555 Views

Sucuudiga oo lagu wado in uu oggolaado arrin uu waligiis Israa’iil u diidi jiray

Sucuudiga oo lagu wado in uu oggolaado arrin uu waligiis Israa’iil u diidi jiray
____________________________________________________________________________

Sabti July 16, 2022

Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan oggolaan doonta duulimaad aan la xannibin oo dalkeeda ay ku tagaan diyaaradaha Israel waxayna ogolaan doonaan si toos ah diyaarado u kireysan Israa’iil oo loogu talagalay Muslimiinta ka qeyb-galaya gudashada waajibaadka xajka ee sanadlaha ah ee Makka, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sacuudi Carabiya ayaa bilowday in ay u ogolaato diyaaradaha Israel in ay u duulaan dhulkeeda oo ku yaal marin-haweedka gaarka ah ee duullimaadyada taga ama ka imanaya

Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, ka dib markii ay saxiixeen heshiisyada Abraham oo caadi ka dhigay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo labadaas quruumood.

Balse Israa’iil wali ma helin marinka noocaas ah ee duullimaadyada iyo Aasiya, sida dalalka Shiinaha iyo Hindiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post