1605 Views

Yaa ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay Jigjiga?

Yaa ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay Jigjiga?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 2,, 2019 —Maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiray dowlad deegaan Soomaalida Itoobiya qalalaase siyaasadeed iyo isku dhacyo mararka qaar ah.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cagjar ayaa sheegay in dhibaatada heysata ay tahay jiritaanka Shabakad isku xiran oo uu sheegay in ay ka hareen taliskii Madaxweynihii hore Cabadi Maxamuud Cumar.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Cagjar in shabakadaan rabshado ay ka wadaan Dowlad Deegaanka, isagoona xusay in ay qaar kamida Shacabka ku wareejiyaan ciidamada Federaalka iyagoo eedeymo dusha ka saarayo.

Madaxweyne Mustafe ayaa u sheegay Shacabka in Maamulkiisa uu arrintan si weyn kaga hortagayo, waxaana uu uga digay dadka arrintan sameynaya in ay ka waantoobaan, haddii kalana ay ka qaadan doonaan Tallaabo ku haboon.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka ayaa ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana jirta indhowr jeer Maxkamad lasoo taagay.  Waxaa loo heystaa ku tagki fal awoodeed, iyo laynta dad badan.

 

Xafiiska Waraka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment