993 Views

Soomaaliland oo xaqiijisey kiis Cusub oo Coronavirus ah

Soomaaliland oo xaqiijisey kiis Cusub oo Coronavirus ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 19 2020–Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta xaqiijisey kiis Cusub oo ah qof laga helay Cudurka Coronavirus oo horey Soomaaliland looga helay.

 

Agaasimaha Guud Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Soomaaliland Maxamed Cabdi Xargeeyo ayaa sheegay in najiida baaris lagu sameeyey qof looga shakisanaa Cudurka Coronavirus ay noqotay in qofkaasi laga helay Cudurka.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Agaasimaha oo kamid ah Guddiga ka hortaga Cudurka COVID19 in qof horey looga helay Cudurka Coronavirus kadib baaritaan kale oo lagu sameeyey laga waayey oo uu ka caafimaadey.

 

Qofka Maanta laga helay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliland ayaa waxaa uu noqonayaa qofkii Afaraad ee laga helay Cudurka Coronavirus Guud ahaan Soomaaliland.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment