633 Views

Safiirka Koonfur Africa ee Ukraine oo ka soo cararay Kyiva

Safiirka Koonfur Africa ee Ukraine oo ka soo cararay Kyiva
____________________________________________________________________________

 Talaado: March 1, 2022

Safiirka Koonfur Africa ee Ukraine ayaa BBC da u sheegay in uu ku qasbanaaday in uu ka tago Kyiv maadaama ay ciidamo Ruushku ku soo wajahan yihiin magaalada.

Andre Groenewald ayaa sheegay in uu dhawaqa qaraxyada ka maqlayay meel fog markii uu ka soo baxayay Kyiv arabacadii hore.

Hadda wuxuu u safrayaa dhinaca wuqooyiga isaga wata kolonyo laba gaari ah, waxaa wehliya xaaskiis, saddex caruur ah iyo qaar kamid ah shaqaalihii safaarada, waxay ku wajahan yihiin Romania, Moldova iyo Hungry.

Wuxuu sheegay in isaga, dad ay shaqo wadaag yihiin iyo safiiro kale ay si adag uga shaqeynayeen amba-bixinta dadka u dhashay Koonfur Africa iyo ajaanibta kalaba.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post