561 Views

Dowladaha Australia & New Zealand oo Diyaarado dagaal u diray dalka Tonga

Dowladaha Australia & New Zealand oo Diyaarado dagaal u diray dalka Tonga
____________________________________________________________________________

Diyaaradaha dagaalka ee Australia iyo New Zealand ayaa loo diray dalka jasiiradaha ka kooban ee Tonga, si ay u soo sahmiyaan khaasaraha ka dhashay volcanaha iyo tsunami-da halkaa ku dhuftay Sabitidii.
Waxaa hadda dib u soo noqday qeyb ka mid ah isgaarsiinta dalkaas. Wararka la helayo ayaa sheegaya in mar kale uu jasiiradahaas ka qarxay volcano horleh.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in sunaamida ay “waxyeello wayn” gaysatay, doonyo ay xeebaha ku soo caarisay sidoo kalana ay aastay dukaamadii ku yaal xeebta.
Xogta laga helayo Tonga ayaa aad u yar hasayeeshee illaa hadda wax dhimasho ah lama soo tebin.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Tonga ay u egtahay “sida sawirrada laga soo qaado dayaxa” kaddib markii uu ku dul habsaday dambas badan oo ka soo baxay foolkaanada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post