747 Views

Mareykanka iyo Poland oo ka hadlaya in Diyaaradaha Dagaalka loo diro Ruushka

Mareykanka iyo Poland oo ka hadlaya in Diyaaradaha Dagaalka loo diro Ruushka
____________________________________________________________________________

.


Axad: March 6, 2022

Duqeynta uu Ruushka la beegsanayo deegaannada ay dadka ku badan yihiin wuxuu ogolleeyahay in uu niyad jab ku rido Ukraine, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga ee UK.

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in awoodda iyo xawaaraha uu ku socdo howlgallada iska caabinta ee Ukraine uu ka yaabiyay ciidamada Ruushka isla markaana taasna ay horseeday in uu gantaallo ku garaaco magaalooyinka Kharkiv, Chernihiv iyo Mariupol.

Maraykanka iyo Poland ayaa lagu soo waramayaa inay ka wada xaajoonayaan heshiis ay Poland ugu diri doonto diyaarado nuuca Mareykanka si loogu badalo kuwa xilligii Soviet-ka ee Ukraine Waxana mareykanka uu qorsheenayaa inuu halkaasi u diro diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ee F-16.

Warbixinta waxaa joornaalka Wall Street u dusiyay saraakiil Maraykan ah. Heshiiska noocan oo kale ah ayaa sugaya ogolaanshaha Aqalka Cad iyo Congress-ka labadaba, sida uu qoray wargayska .

Wada xaajoodyada la sheegayo ayaa imaanaya ka dib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyj sabtidii uu kulan muuqaal ah la yeeshay golaha senate-ka, halkaas oo uu ka codsaday in loo keeno diyaarado cusub uu kula dagaalamo Ruushka.

Wadamada Bariga Yurub ee NATO waxay leeyihiin tiro diyaarado ah oo Ruushku sameeyay, noocyada ay milatariga Ukraine yaqaanaan. Waxay taariikh ahaan ka soo jeedaan xilligii Soviet, laakiin marar badan ayaa la isticmaalay ilaa maantadan la joogo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post