1116 Views

Madaxweynihii iyo raisal wasaarihii la afgambiyay ee Dalka Mali ‘oo is casilay

Madaxweynihii  iyo raisal wasaarihii la afgambiyay ee Dalka  Mali ‘oo is casilay
____________________________________________________________________________

May 26 2021

Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee dalka Mali, Bah Ndaw, iyo Ra’iisul Wasaarihiisii, Moctar Ouane, ayaa si rasmi ah isu casilay, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Mr Ndaw iyo Mr Ouane ayaa xirnaa tan iyo galinkii dambe ee maalintii Isniinta, waxaana lagu hayay xero ay militariga ku leeyihiin duleedka magaalada caasimadda ah ee Bamako.

Askarigii hoggaaminayay afganbigii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas, kaddibna noqday madaxweyne ku xigeenka dowladda ku meel gaarka ah, Col Assimi Goïta, ayaa labadoodaba ku eedeeyay inay gudan waayeen waajibaadkooda ku aaddan sidii dalka looga samata bixin lahaa xilliga kala guurka.

Wararka ku saabsan is casilaaddooda ayaa soo baxay xilli dhexdhexaadiyeyaasha ku howlan xiisadda waddankaas ku yaalla Galbeedka Afrika ay booqasho ku gaareen iyagoo rajo ka qabay in laga sii daayo gacanta militariga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post