1005 Views

Khayre oo Kulan la qaatay Guddiga Wajiga Labaad Ee Dib-u-qaabeynta Ciidamada

Khayre oo Kulan la qaatay Guddiga Wajiga Labaad Ee Dib-u-qaabeynta Ciidamada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2019 —Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida

 

kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga hadlay sida ay u socdaan howlaha guddiga iyo dardar-gelinta dib-u-habeynta ciidamada Qaranka, si loogu guuleysto howlaha dib-u-dhiska ciidamada.

 

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Wejiga labaad dib-u-habeynta ciidamda ayaa ka kooban in ciidamada la diiwaan geliyay lagu hubiyo goobahii laga diiwaan geliyay, in la qiimeeyo baahiyaha ciidamada ee saanad iyo hub, in la qiimeeyo Dhismaha xeryaha ciidamada oo lagu saleynayo tirakoobkii la sameeyay, tayeyn ciidamda iyo qiimeynta dhanka tababarrada ay u baahan yihiin.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment