408 Views

Shir u dhaxeeya Somalida iyo Canfarta oo ka furmay Dalka Itobiya

Shir u dhaxeeya Somalida iyo Canfarta oo ka furmay Dalka Itobiya
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Kulankan oo ay soo diyaarisay wasaarada Nabada ee JDFI ayaa hal-ku-dheg looga dhigay ” isfahan darrada wada hadal ayaan ku xallinaynaa si nabad waarta loo gaadho” Waxaana dulucdeedu tahay in colaadaha soo jiitamayay lasoo gabagabeeyo.

Shirkaan nabadeed ayaa sidoo kale waxa ay dowladda Itoobiya dooneysaa in dhidibadda loogu taago nabad iyo deganaansho laysku hallayn karo oo loo dhan yahay taa oo dhexmarta Soomaalida iyo Canfarta.

Waxaana kulankan ka soo qaybgalay masuuliyiinta wasaarada Nabada JDFI Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe muxumed cumar, Madaxweynaha Deegaanka Cafarta Awal Arba, ergooyin ka kala socda labada deegaan.

Shirka nabadeynta Soomaalida iyo Cafarta ayaa Socon doono dhowr maalin kaas oo la filayo in gunaanadka shirka laga soo saaro War-murtiyeed iyo qodobadii lagu heshiiyay.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa in muddaa waxaa ka dhaxeeyay Colaad galaafatay Nolosha kumanaan qof iyo barakicintaa Dad badan, waxaana kulankaan la filayaa in xal buuxa looga gaaro colaadaha ka dhaxeeyo Soomaalida iyo Canfarta.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post