717 Views

Soomaali ka qeyb qaadaneysa Gurmadka dhibbanayaasha dhulgariirka kula dhacay Turkiga

Soomaali ka qeyb qaadaneysa Gurmadka  dhibbanayaasha dhulgariirka kula dhacay Turkiga
____________________________________________________________________________

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Turkiga ayaa ka qeyb qaadanaya baadigoobka loogu jiro dadka ku xanniban dhismayaasha hoostooda, kaddib dhilgariir xooggan oo ku dhuftay magaalada Izmir ee dalkaas.

Soomaalida ka shaqeysa goobaha laga qodo macdanta dalkaas ayaa shaqadoodii u soo dhaafay si ay gargaar ugu fidiyaan dhibbanayaasha dhulgariirka.

Iyagoo u warramayay BBC Turkish ayaa waxay Soomaalidan oo ku sugan degmada Bayraklı sheegeen inay sii wadi doonaan dadaallada loogu jiro samatabixinta dadkaas, oo aysan shaqooyinkooda ku laaban doonin.

Dhulgariirkan Jimcihii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga oo xaddiga cabirkiisa lagu sheegay 6.9 ayaa waxaa ku dhintay 81 qof.

Dadaallada samatabixinta ayaa ka socda dhismayaasha ku yaalla magaaladaas, waana dhulgariirkii ugu ba`naa ee ku dhufta Turkiga muddo wax ku dhow toban sano haatan laga joogo.

Sanadkii 2011waxaa magaalada Van ee dalka Turkiga ku dhuftay dulgariir ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.

Turkiga ayaa u nugul dhulgariir. Sanadkii 1999, labo dhulgariir oo xooggan oo ku dhuftay waqooyi-galbeed dalkaas waxaa ku dhintay 18,000 oo qof.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post