537 Views

Xassan Sheekh Maxamuud iyo Erdogan Labada madaxweyne oo si gaar ah ugu wada hadli doona xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal

Xassan Sheekh Maxamuud  iyo Erdogan Labada madaxweyne oo  si gaar ah ugu wada hadli doona xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal
____________________________________________________________________________


Isniin: July 4, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Turkiga, kaddib markii uu casuummaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.

Labada madaxweyne ayaa si gaar ah ugu wada hadli doona xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal, in la adkeeyo iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo waxyaabo kala.

Afhayeenka madaxtooyada ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyanaaaha Turkiga ay ka wadahadli doonaan arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal, arrimaha amniga, diblumaasiyadda iyo mid dhaqaaleba.

Madaxweyne Xasan ayaa inta uu ku sugan yahay Turkiga la filayaa in uu booqdo xerada lagu tabbabaro ciidamada Soomaaliya ee halkaa tababarka u joogo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post