789 Views

Xiisad Diblumaasiyadeed oo ka dhex qaraxday Saudi Arabia Iyo Lebanon

Xiisad Diblumaasiyadeed oo ka dhex qaraxday Saudi Arabia Iyo Lebanon
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

 Koox wasiiro ah oo ka tirsan dowladda Lebanon ayaa Sabtida maanta ah ka wada hadlaya khilaafka dublumaasiyadeed ee sii xoogeysanaya ee ka dhex bilowday Lubnaan iyo boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay boqortooyadu erisay safiirkii Lubnaan u fadhiyay dalkaasi, islamarkaana mamnuucday dhammaanba badeecadaha ka yimaada Lubnaan.

Khilaafkan ayaa ka dhashay hadallo xasaasi ah oo uu jeediyay wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi (Qardaaxi) oo ku aadanaa dagaalka milatari ee Sucuudigu hoggaaminayo ee ka socda Yemen, taasi oo xaalad cakirnaan gelisay dalkaasi, iyadoo loogu baaqayo in Kordahi uu is casilo.

Haddii uu Kordahi is casilo, wasiirrada ay taageerto kooxda Xisbullah iyo xisbiga Amal ee ay xulafada yihiin ayaa laga yaabaa in ay iyaguna is-casilaan, xilli dowladda Lubnaan uu cuuryaamiyay muran ku saabsan baaritaanka qarixii weynaa ee August 2020-kii ka dhacay dekedda Beirut.

Ra’iisulwasaare Najib Mikati ayaa fiidnimadii Jimcaha weydiistay Kordahi in uu tixgeliyo “danta qaranka” Lubnaan, isaga oo ku sigtay in uu weydiisto in uu xilka iska casilo.

Kordahi ayaa taageero cad ka helaya Xizbullah, waxaana uu diiday in uu bixiyo raalligelin ama is-casilo hadalka uu jeediyay awgii, taasi oo keentay dhaawicii ugu xumaa ee gaara xiriirka Sacuudiga iyo lubnaan tan iyo 2017-kii xilligaasi oo ay boqortooyadu magaalada Riyadh ku xirtay ra’iisul wasaarihii xilligaasi ee Lubnaan Sacad Al-Hariri.

Xiisadda ayaa halis gelineysa in ay ku baahdo Khaliijka, iyadoo Bahrain ay sidoo kale ka dalbatay safiirka lubnaan in uu dalkeeda ka baxo.

Jaamacadda Carabta ayaa bayaan ay soo saartay Sabtida maanta ah ku sheegtay in ay ka walaacsan tahay xiriirka xumaaday ee Lubnaan iyo dalalka Khaliijka, waxayna ka codsatay wadamada Khaliijka in ay “ka fiirsadaan tallaabooyinka ay soo jeediyeen in ay qaadayaan, si aysan taasi uga sii darin xaaladda dhaqaalaha Lubnaan ee sii liicaya.”

Xoghaya Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa bayaan uu soo saaray ku muujiyay “walaaca qotoda dheer iyo sida uu uga qoomameynayo sida dhakhsaha leh ee uu ku xumaaday xiriirka lubnaan iyo Khaliijka.”

Ra’iisulwasaare Mikati ayaa dadaal ugu jiray hagaajinta xiriirka Lubnaan iyo dalalka Khaliijka kaasi oo sanado badan aan hagaagsaneyn saameynta ay kooxda taageerada ka hesha Iran ee Xisbullah ku leedahay dowladda Lubnaan awgeed.

REUTERS + VOA

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post