939 Views

C/raxmaan Odawaa”Waxaan baadi goob u gelayaa dadkii ay Villa Somalia kala qeybisey”

C/raxmaan Odawaa”Waxaan baadi goob u gelayaa dadkii ay Villa Somalia kala qeybisey”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ahaa musharixiintii Madaxweynaha Galmudug ee aan si diiwaan gelin ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan doorashadii ka dhacdey Galmudug iyo qorshihiisa xiga.

 

Cabdiraxmaan Odawaa oo qoraal dheer soo saarey ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu sareysa ay si dulmi ah maamul uga dhiseen Galmudug,isla markaana dadkii kasoo horjeeday ay si qasab ah ku aqbalsiiyaan,kuwaas oo uu ula jeeday saddexdii musharax ee kale ee isbhayeisga la ahaa balse gaarbkiisa ka baxey.

 

Waxaa uu sheegay in isaga uusan marqaati-beenaale ka noqoneyn cadaalad-darro uu sheegay in uu tartanka Madaxweynaha Galmudug uga harey,isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya uu baadi goob u geli doono dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen sida uu hadalka u dhigey.

 

Marka laga soo tago hadalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb tageeray Saddexda kale ee isbaheysiga la ahaa sida Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye, Cabdi Dheere iyo Kamaal Daahir Guutaale.

 

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

 

Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

 

Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.

 

Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

 

Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

 

Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment