612 Views

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda qof shacab ah ku dilay Isgoyska Baar ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda qof shacab ah ku dilay Isgoyska Baar ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir
____________________________________________________________________________

Sabti: January 22, 2022

 Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay Isgoyska Baar ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Shabakada Dayniile ayaa u sheegay in Askariga iyo qofka la dilay oo ahaa Nin uu soo kala dhex-galay muran kooban, kadibna Askariga uu si bareer ah rasaas ugu furay Ninka oo durbadiiba goobta ku dhacay, kuna dhintay.

Ninka la toogtay ayaa waxaa la tilmaamay inuu ahaa qof xoogaa madaxa looga jiray oo la murmay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo ku sugneyd Isgoyska Baar ubax ee degmada howlwadaag ee Gobolkaan Banaadir.

Meydka Ninka oo daqiiqado yaallay goobta uu falku ka dhacay ayaa markii dambe halkaas laga qaaday, waxaana goobta yimid Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda degmada howlwadaag, kadibna iska laabtay, sida la sheegay.

Askarta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mararka qaarkood si bareer ah dilal ugu geysta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan, waxaana hore gudaha Magaalada Muqdisho Askarta dowladda ay ugu dileen dad shacab ah oo marayay waddooyin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post