723 Views

Madaxweyne Laftagareen oo markii ugu horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan iyo Axmed madoobe oo dagay Madaxtoyda

Madaxweyne Laftagareen oo markii ugu  horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan iyo Axmed madoobe oo dagay Madaxtoyda
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 8, 2022

Is-bedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa saameyntiisa durba laga dereemayaa hanaanka ay gudaha Muqdisho u kala degeen madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo caawa ku hoyanaya Muqdisho ayaa degay Hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intii uu Farmaajo xukunka joogay aan soo dhaafi jirin agagaarka garoonka uu hadda degan yahay guri ka soo hor jeeda Madaxtooyada Soomaaliya.

Arrimaha cajiibka ah waa in Madaxweyne Laftagareen uu maanta markii u horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan, halka xilligii uu Farmaajo xukunka hayay uusan wax ciidan soo wada jirin.

Ciidamada Nabad sugidda iyo Asluubta federaalka ayaa Laftagareen kasoo gelbi jiray garoonka, markii uu yimaado Muqdisho, balse hadda waxaa muuqata in arrintaasi ay is bedeshay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda ku wada sugan Muqdisho, kuwaas oo berri ka qeyb gelaya xafladda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacaysa teendhada Afisyooni.

Madaxda iyo wafuuda berri ka qeyb galeysa caleemo saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Xigasho:

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post