915 Views

Sheekh Shaakir”Dowladda Galmudug Shabaab ayay u soo wadaa mana aqbaleyno”

Sheekh Shaakir”Dowladda Galmudug Shabaab ayay u soo wadaa mana aqbaleyno”
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 27-2020—Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ay dowladda Federaalka ah ee Sooaaliya ay si qaldan u wado dhismaha Maaulka Galudug,isla markaana eedaha ugu badan ay uga imaanayaan qaabka loo soo xuley Xildhibaannada.

 

Waxaa uu sheegay,isaga oo la hadlayay BBC-da in qaabka Xildhibaannada lagu soo xuley ay qeyb ka aheyd in Xildhibaannada laga ilaaliyo kuwa xiriir la leh Ahlusunna Wal-Jamaaca,taasina ay tahay in waxa kaliya ee Ahlusunna xiriirka kala dhaxeyn ay yihiin Al-Shabaab.

 

“Runtii waad aragtaa eeda weli ka jirta sida loo soo xuley Xildhibaannada,dowlada ayaana mas’uul ka ah waliba xildhibaannadaas xur a ahan dowladda anaga ayeyna naga ilaalineysaa mana ka aqbaleyno in la keeno qof xiriir la leh Al-Shabaab ayuu yiri” Sheekh Shaakir.

 

Waxaa uu soo hadal qaadey Sheekh Shaakir in khilaafkii soo kala dhex-galay Ahlusunna iyo Madaxweyne Xaaf ay mas’uul a aheyd dowladda Federaalka oo uu sheegay in Maamulo ay wadato ay dhiseyso.

 

Doorashada Maamulka Galmudug ayaa waxaa xilligaan hareeyey khilaaf xoogan,waxaana hoggaanka Ahlusunna ay sheegeen inay dhisayaan Maamul Cusub halka isla Dhuusamareeb ay ka socdaan howlo lagu shisayo Galudug,sidoo kale Xaaf oo Gaalkacyo ka wado howlo doorashooyin ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment