954 Views

Muqdisho oo dhowaan martigalineysa tartamo caalami ah

____________________________________________________________________________

Wasaaradda Isboortiga Soomaaliya iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa ka dalbaday kooxaha Qaranka waddamo Afrikaan ah in ay ciyaar saaxiibtinimo kula ciyaaraan Garoonka Muqdisho Istadiyo xulka Kubadda cagta Soomaaliya.

Xiriirada kubadda cagta Jabuuti iyo Eretereeya ayaa ka mid ah kuwa dalabkaasi loo gudbiyey, waxaanna la filayaa in dhowaan la iclaamiyo tartamo cusub oo ka dhici doona Muqdisho.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa u yeeray ciyaartoy Soomaali u dhashay oo u ciyaara kooxo ka dhisan Yurub iyo Austrelia, waxaanna lagu wadaa in dhowaan ay Muqdisho soo gaaraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore dib u furay Garoonka Stadiyo Muqdisho kaddib markii dayactir ay dowladdu ku sameysay,

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post