435 Views

Booliska dalka Japan oo ka hortagaya daanyeerro weeraray xaafado ay dad deggan yihiin

Booliska dalka Japan oo  ka hortagaya daanyeerro weeraray xaafado ay dad deggan yihiin
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Booliska dalka Japan ayaa ka hortagaya daanyeerro weeraray xaafado ay dad deggan yihiin, kuwaasoo argagax ku riday. Ilaa 42 qof oo ah caruur iyo waayeel ayey wararku sheegayaan in ay daanyeerradaas dhaawaceen.

Hase yeeshee, weerarka daanyeerrada oo markii hore ahaa kuwa dhif ah ayaa haatan ku soo batay dalka Japan waxaana arrintaas ay noqotay mid kheyrul-caadi ah.

“Waa dhif iyo naadir in la arko weeraro sidaan u badan weliba muddo gaaban.” ayuu yiri sarkaal dowladda ka tirsan oo ka gaabsaday inuu magiciisa sheego.

Markii hore carruurta iyo haweenka oo keliya ayuu daanyeerka weeraray balse dhawaanahan dadka da’da iyo ragga waaweyn ayuu sidoo kale bartilmaameedsadaa.”

Dadaallo lagu doonayay in lagu qabto daanyeerrada ayaa guul-darreystay. Mas’uuliyiinta ayaan sidoo kale hubin in weerarrada ay ku lug leeyihiin danyeerro badan ama inuu hal daanyeer oo keliya yahay.

Dhacdooyinka waxaa ka mid ah dhaawac uu geystay gabar afar jir ka dib markii uu weeraray gurigooda. Waxaa sidoo kale jirtay dhacdo kale oo uu daanyeerka ku weeraray iskuul ay dhigtaan caruur yaryar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post