2310 Views

154 Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dayacnaa dalka Libya oo saaka dowladda Soomaaliya dib ugu soo celisay Dalkooda

154 Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dayacnaa dalka Libya oo saaka dowladda Soomaaliya dib ugu soo celisay Dalkooda
____________________________________________________________________________

Toronto | 30 May 2018 | Dhalinyaro laga soo qaaday dalka Libya ayaa saaka laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho, kadib markii dowladda Federalka Somaliya ay ka shaqeysay sidii dhalinyaradan dalka dib loogu soo celin lahaa.

Capture

Garoonka Aadan Cadde ayaa laga soo dajiyay dhalinyaradan oo tiradooda ay kor u dhaafeyso 154 dhalinyaro ah, Ambassador Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in dhalinyadaani yihiin kuwo xabsiyo kala duwan oo dalka Libya ku kala jiray.

Qaar ka mid ah dhalinyarada dalkooda dib loogu soo celiyay oo Saxaafadda la hadlay, waxa ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin dalkooda hooyo inay dib ugu soo laabtaan.

Dowladda Somaliya ayaa dhawr mar sidan oo kale dalka dib ugu soo celisay maxaabiis kala duwan oo dalalka dibada ah laga keenay.

 

Qaranimo online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment