870 Views

Baarlamaanka Puntland oo 10,000$ ugu deeqay Gurmadka Qardho

Baarlamaanka Puntland oo 10,000$ ugu deeqay Gurmadka Qardho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 02 2020–Golaha Wakiillada maamulka ayaa deeq lacageed ku wareejiyey gudiga gurmadka ee magaalada Qardho

Xildhibaano ka tirsan gudiga joogtada ah ee golaha wakiillada oo maanta safar dhanka dhulka ah kaga soo ambabaxay caasumada puntland ee Garoowe ayaa magaalada Qardho kula kulmay gudiga sare ee gurmadka fataahadaha qardho.

Waxa ay ka xog wareysteen dadaalada loogu gurmanayo shacabka dhawaan ay saameysay fatahaadu

Gudiga oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka 1aad avv: Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan ayaa bogaadiyey dadaalada gurmadka ee socda, waxaana ay lacag dhan toban kun oo doolar (10,000$) ku wareejiyeen gudiga gurmadka, taas oo Xildhibaanadu ugu talagaleen in so hordhac ah looga qayb-qaato gurmadka

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment