1314 Views

Mid ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan baraha bulshada oo saaka lagu xiray Muqdisho

Mid ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan baraha bulshada oo saaka lagu xiray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu xiray Xarunta dambi baarista CID, kaddib markii looga yeeray.

 

Cali Aadan Muumin ayaa shalay la soo gaarsiiyay warqad looga dalbanayo inuu xarunta yimaado, waxaana markii uu saaka xarunta CID tagay lagu wargeliyay inuu dacweysan yahay oo uu xiran yahay.

 

Wararka ayaa sheegaya in laga qaaday Taleefanadii gacanta uu watay, waxaana inta aan laga qaadin Taleefanada uu la xiriiray warbaahinta uu ka tirsanaa, kuna wargeliyay inuu xiran yahay.

 

Cali Aadan ayaa sheegay in dacwad ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, lama oga nooca dacwadaas tahay, ha yeeshee waxaa maalmihii u dambeeyay Wasaaradda la kulmeysay dhaleeceyn kala duwan oo ku aadan Imtixaankii fashilmay iyo qishkii Imtixaanaadka oo suuqa galay.

 

Wariye Cali Aadan ayaa ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan ee wax ku qora baraha bulshada, sida Facebook oo ku soo qora dhacdooyinka ka dhaca magaalada Muqdisho.

 

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adda Dambi baarista dowladda oo fulisay xarigga wariyahan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment