837 Views

DFS oo shaacisay xilliga ay bixineyso ruqsaddii ugu horreysay ee Shidaal baarista

DFS oo shaacisay xilliga ay bixineyso ruqsaddii ugu horreysay ee Shidaal baarista
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 06, 2019–-Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Puntland ayaa warbixin u gudbiyey Xildhibaannada Golaha Wakiilada,taas oo la xiriirta heerka Xuquuqda Insaanka iyo dembiyadii ka dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay gudaha Puntland.

 

Warbixintaan oo uu Akhriyey Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka dhaceen 3387 dembi lixdii bilood ee la soo dhaafay oo ay kamid yihiin  56 dembi oo kufsi ah.

 

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in in dadka Shacabka ah ay Ciidamada iska xiraan sanado ama bilooyin, iyada oo aan wax maxkamad la ah la marsiin, iyaga oo tusaalo u soo qaatay dad u xiran bilooyin badan Shilal Gaari oo dhacay.

 

Shilalka gaadiidka ee Puntland ka dhacay Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa guddiga ay ku sheegeen 1833 shil oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 206 qof.

 

Ugu dambeyn guddiga waxaa ay sheegeen inay booqdeen Xarumaha iyo Saldhigyada dadka lagu xiro marka laga reebo Xarumaha ciidamada PSF oo ays heegeen inay si cad u diideen in wax lag ogaado dadka ugu jira Xabsiyada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment