465 Views

Qasaaraha ka dhashay weerar lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudiga oo soo kordhaya

Qasaaraha ka dhashay  weerar lagu qaaday garoon diyaaradeed ku yaalla Sacuudiga oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

Ku dhawaad 5  qof ayaa  ku dhimatay intaas ka badana waa ku dhaawacantay firirka diyaarad Drone ah oo lagu weeraray garoonka diyaardaha Abha ee dalka Sacuudiga.

Howlgalkii diyaaradaha ee garoonka ayaa caadi kusoo laabtay kadb markii muddo kooban la hakiyey, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay isbaheysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Dadka ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jira shaqaalaha garoonka iyo dad safar ahaa oo kasoo kala jeeda dhowr dal, ayuu intaas ku daray bayaanka oo ay baahisay warbaahinta Sacuudiga.

Sidoo kale Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa inta badan beegsata garoonka Abha oo ku yaalla koonfurta Sacuudiga, meel ku dhow xuduudda Yemen iyo qeybo kale oo ka mid ah Sacuudiga, ayada oo adeegsaneysa gantaallo iyo diyaarado drone ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post