588 Views

Xildhibaan Jeesow “ Warqaddii NISA kasoo baxday bulshada waa ku qanci weyday, aniga iyo Ikraan qoyskeedana kuma qancin,

Xildhibaan Jeesow  “ Warqaddii NISA kasoo baxday bulshada waa ku qanci weyday, aniga iyo Ikraan qoyskeedana kuma qancin,
____________________________________________________________________________

Sabti: September 4, 2021

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka ku Matala Allaha u Naxariistee Ikran Tahiil oo ay Dileen  Hey’adda Nabadsugidda NISA  ayaa mar kale arintaas ka hadlay.,

Jeesow ayaa sheegay in hadda la joogo waqtigii ay Ikraan heli laheyd cadaalad lana caddeyn lahaa cidda dishay maadaama la xaqiijiyey geerideeda.

“Warqaddii NISA kasoo baxday bulshada waa ku qanci weyday, aniga iyo qoyskeedana kuma qancin, 65 maalmood aan NISA ka sugeynay waxay noqotay Shabaab ayaa dilay” ayuu yiri Jeesow.

Jeesow ayaa tilmaamay inaysan ku qancin warka kasoo baxay NISA, wuxuuna sheegay inaysan illaa hadda garaneyn cidda gacanta ku heyso kiiskaan.

“Kuma qanceyno Shabaab ayaa dilay, Shabaabkiina waa soo hadleen, iyagii ayaa qaadan waayey in la yiraahdo Shabaab ayaa dilay, Hay’adda NISA dib ha isugu noqoto, warcadna hasoo saarto iyo wax lagu qanci karo, mana garaneyno cidda gacanta ku heyso kiiskaan” ayuu yiri Daahir.

Sidoo kale Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in arrinta ay ka tabanayaan heyadda Nabadsugidda NISA aysan aheyn wax ay ka baryayaan, wuxuuna uga baaqay inay usoo hadlaan si ka duwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post