852 Views

Safaaradda Mareykanka oo twitter-ka soo dhigtay Fariin ay u dirtay madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah

Safaaradda Mareykanka  oo  twitter-ka soo dhigtay Fariin  ay u dirtay madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay Muqdisho ayaa twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ugu baaqeyso madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah iney si dhaqso leh ku kulmaan isal markaana gaaraan go’aan u fiican umadda Soomaaliyeed, iyadoo laga rabo iney dhameystiraan arrimaha doorashooyinka.

Qoraalkaan oo ay uga jawaabayeen baaq kasoo baxay beesha caalamka oo adkeynayay in horay loo wado wadahadallada u dhaxeeya dowladda iyo midowga musharaxiinta, laguna baaqayay in si dhaqso leh la isku arko ayaa u qornaa sidaan:

“Waqtiga wuu socdaa, waxaan ku boorineynaa dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah iney hadda kulmaan, sameeya wax u wanaagsan dadka oo dhameystira doorashada”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post