1164 Views

SAWIRO:-Diiwaangelintii Ciidamada Degmada Balanballe oo la soo geba-gabeeyay

SAWIRO:-Diiwaangelintii Ciidamada Degmada Balanballe oo la soo geba-gabeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 09, 2019 —Waxaa guud ahaan la soo geba-gabeeyay Habraaca Diiwaan Galinta Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

 

Xafiiska Habraaca Diiwaan Galinta Ciidamada Qalabka sida ayaa howshaasi waday, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay heshiis la saxiixatay Ahlusunna oo ku biirtay Galmudug,waxana ciidamadii Ahlusuna iyo kuwa Galmudug ay ka mid noqdeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Booliska.

 

 

 

Degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar,kuwaas oo badankood doonayay inay ka mid noqdaan Ciidanka Booliska soomaaliyeed lana diiwaangeliyay.

 

Xafiiska Habraaca diiwaan galinta ee Dawladda Faderaalka ayaa sidoo kale Degmada Balanballe ka diiwaan galiyay Gaadiid dagaal oo lagu wareejiyay dowladda,kuwaas oo ay ku Shaqeyn doonaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa la diiwaangelin doonaa Ciidamada kala duwan ee ku sugan deegaanka xeraale iyo degmada Cabudwaaq,waxaana halkaasi dhawaan tegay Taliyeyaasha Ciidamada, Millateriga, Booliska iyo Asluubta,kuwaas oo haatan ku sugan Magalada Gaalkacyo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment