711 Views

Yuusuf Dabageed” Khilaaf kama jiro dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle”

Yuusuf Dabageed” Khilaaf kama jiro dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 29|  2020—Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaaf ka jira dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, kaas oo ka dhashay isbedel la doonayo in lagu sameeyo hoggaanka Maamulkaas ee qeybsiga dhinaca Beelaha ah.

Khilaafkaas oo aan si guud u muuqan ayaa waxaa jira Odayaal iyo Siyaasiyiin ka hadlay, halka qaarkood ay sheegeen in uusan jirin wax khilaaf ah oo xilligana ka jira habka lagu wado dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle.

Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa sheegay in si wanaagsan uu u socdo dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle, isla markaana Xildhibaannada Cusub la dhaarinayo.

Yuusuf Dabageed oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in xilligaan uusan jirin wax khilaaf ah oo la xiriira dhismaha Hir-Shabeelle, isla markaana si toos ah loo guda galayo dhawaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post