546 Views

Saraakiil ka tirsan DFS & AMISOM oo loo tababaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan DFS & AMISOM oo loo tababaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


isniin: December 6, 2021

Labaatan sarkaal oo ka kala socda ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar muddo afar maalmood ah uga socday magaalada Muqdisho, si kor loogu qaado xog uruurinta iyo xog-wadaagga si loo sii xoojiyo iskaashiga ku aaddan fulinta howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Tababarkaan oo ay taageereysay Kooxda Taageerada Hawlgalka ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska  oo ay weheliso Xarunta Dhexe ee Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka soo qayb galay 7 ka mid ah Ciidanka XDS iyo 13 ka mid ah Saraakiisha Ciidanka AMISOM, oo ka kala socday dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Khudbad uu ka jeediyay furitaanka tababarka taliyaha ciidamada AMISOM, Lieutenant General Diomede Ndegeya, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda koorsada ay u leedahay howlgallada militari.

“Sirdoonka ama xogtu waa awood muhiim u ah howlgallada militari, oo runtii muhiim u ah AMISOM iyo SNA. Haddii aan si hufan u isticmaalno xogta, waxaan ku wiiqi karnaa cadawga oo aan daaha ka qaadi karnaa waxa uu damacsan yahay, anagoo gacan ka geysaneyna ilaalinta iyo taageeridda ciidamadeena,” ayuu yiri Lt. Gen. Ndegeya, isagoo intaa ku daray in sirdoonku ay sare u qaadi karaan qorsheynta hawlgalka iyo go’aan qaadashada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xusay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid cakiran oo mar walba isbedeleysa, loona baahan yahay in laga warqabo xaaladda, balse waxa uu intaa ku daray in AMISOM ay keentay sirdoon wanaagsan oo wax qabad leh, si guulo waaweyn looga gaaro dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Munaasabaddii xiritaanka tababarka ayaa Gen. Ndegeya ayaa kula dar daarmay ka qeyb galayaasha in ay ku wareejiyaan aqoonta iyo xirfada ay ka kororsadeen tababarka, si ay ugu gudbiyaan shaqooyinka ay ka hayaan qeybaha ay ka kooban yihiin, si ay u suurtagasho in hadafka loo igmaday uu gaaro, gaar ahaan dadaalada lagu wiiqayo Al-Shabaab, si  loo soo celiyo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Aan mar kale carabka ku adkeeyo muhiimada sirdoonka militariga. Ma rajayn karno inaan ka adkaanno Al-shabaab oo aan sugno amniga kala guurka saaxiibadayada Soomaaliyeed haddii aan si hufan loo dhaqangelinin ”ayuu yiri Taliyaha Xoogga.

Dhankiisa, Lieutenant Colonel Torcail Stroud-Caules, Taliyaha UK ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo wadashaqeyn dhexmarta AMISOM iyo SNA, iyadoo la eegayo bixitaanka AMISOM ee la filayo, iyo baahida loo qabo in mas’uuliyadaha amniga lagu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

“Ujeedka ugu weyn marka laga reebo fahamka fikradaha iyo fahamka shuruudaha si si siman loogu dabaqo dhammaan qaybaha, waa inaan si wadajir ah ula shaqeyno AMISOM iyo SNA sababtoo ah mar uun AMISOM way baxaysaa, SNA waxay u baahan tahay inay awood u yeelato inay iyaga laftooda sameeyaan.” ” ayuu yiri Lt. Col. Stroud-Caules.

Korneyl Hans Nyange, oo ah madaxa sirdoonka militariga ee AMISOM ayaa furitaankii ka sheegay in tababarka uu kor u qaadi doono hufnaanta kaqeybgalayaasha sida saraakiisha sirdoonka.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale loo tababaray Saraakiil ka kala socotay Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM si ay awood ugu yeeshan ka hort tegitaanka weerarada Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post