252 Views

Saraakiisha Hoggaaminaysa Abaabulka Dagaal ee khawaariijta ee ka socda deegaanada gobolka bakool oo gaaray deegaanka Aato.

Saraakiisha Hoggaaminaysa Abaabulka Dagaal ee khawaariijta ee ka socda deegaanada gobolka bakool oo gaaray deegaanka Aato.
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022

Wafdigaan saraakiisha ah ee gaaray deegaanka Aato gobolka Bakool waxa  horkacayay Taliyaha Ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka koonfur galbeed Gaashanle Yuunas Adan Xasan waxana safarka kormeerka ku wehliyey Taliyaha Ururka 17 aad guutada 9-aad qeybta 60-aad degmada Ceelberde Dhame Iidoor Aadan Dubad, Madaha Howgalinta guutada 9-aad Aadan Gaabow Isaak iyo Axmed Macalin Cabdiraxmaan Axmed dheere oo ka mid ah saraakiisha ka socotay guutada 8-aad ee gobolka baay.

Ujeedada safarka saraakiisha ayaa qeyb ka ah kulamo ay laqaateen maamulka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada xooga dalka iyo ciidamada dowlad deegaanka soomaalida oo amniga deegaanka gacanta ku haya waxana ay kawada hadleen qorshaha howgalada khawaarijta looga xureynaya deegaanada ay ku sugan yihiin maadaama deegaanka Aato uu ka mid yahay goobaha ay ka socoto abaabulka ciidan.

Guddoomiyaha Deegaanka Aato Dubad Xasan Cali ayaa ayaa sarakiisha uga warbixiyay halka ay marayaan abaabulka dagaalka khawaarijta looga xorreeynayo degaanada katirsan gobolka bakool.

Saraakiisha waxay kaloo indha indhayn ku sameeyeen xaaladda deegaanka ee saamayntii abaarta oo weli roobka deyrta ku di’in iyo dagaaladii sedex bilood ka hor ka dhacay oo aad looga dareemayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post