495 Views

Weeraryahanka Real Madrid Vinicius oo weerar ku qaaday maamulka La Liga ka dib markii ay cunsuriyeeyeen kulankii shalay taageerayaasha kooxda Real Valladolid.

Weeraryahanka Real Madrid Vinicius oo weerar ku qaaday maamulka La Liga ka dib markii ay cunsuriyeeyeen kulankii shalay taageerayaasha kooxda Real Valladolid.
____________________________________________________________________________

Axad: JANUARY 1, 2023

Weeraryahanka Real Madrid Vinicius Jr ayaa weerar ku qaaday maamulka La Liga ka dib markii ay cunsuriyeeyeen kulankii shalay taageerayaasha kooxda Real Valladolid.

Taageerayaasha martida loo ahaa ayaa codad daanyeer sameeyay islamarkaana walxo ku tuuray Vinicius Jr xilli la bedelay dhamaadkii ciyaarta isagoo ku sii socday kursiga keydka madaama uu ka baxay dhanka kale ee garoonka.

Vini Jr oo dhowr jeer lagu cunsuriyeeyay midabkiisa intii uu ka ciyaarayay horyaalka La Liga ayaa eeda dusha uga tuuray maamulka La Liga uu sheegay inaysan waxba ka qabanin taageerayaasha cunsuriyayaasha ah ee kulamada horyaalka daawada.

Wuxuu Twitter ku soo qoray: “Cunsuriyayaasha waxay weli aadayaan garoomada, waxayna si dhow u daawanayaan kulamada ugu waa weyn iyadoo La Liga aysan waxba ka qabaneynin.

“Madaxeyga kor ayaan u sii heyn doonaa, waana u dabaaldegi doonaa guulaheyga iyo kuwa Real Madrid.

Cabashada Vinicius ayaa imaaneysa iyadoo maamulka horyaalka La Liga lagu eedeynayo inay iska indhotiraan cunsuriyada ay taageerayaasha kula kacaan ciyaartoyda madow, welina lama arkin madaxweynaha La Liga oo taageerayaal ku ciqaabaya fal cunsurinimo oo ay ku kaceen.

Laakiin madaxweynaha La Liga Javier Tebas oo toosha lagu iftiimiyay ayaa isdifaacay isagoo Twitter ku soo qoray:

“Hadaan aan nahay La Liga waxaan la dagaalameynay cunsuriyada muddo sannado ah. Vini Jr wixii ku dhacay waa nasiibdarro mana ahan cadaalad laakiin run ma ahan inaad daabacdo ‘La Liga waxba kana qabtaan cunsuriyada’ Adiga ayaan ku heelanahay, si aan si wadajir ah hal meel uga soo wada jeesano cunsuriyada.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post