201 Views

Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho ka hirgeliyay warshad sameysa Burjikooyinka cuntada lagu karsado

Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho ka hirgeliyay warshad sameysa Burjikooyinka cuntada lagu karsado
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyay warshad si maalinle ah u sameysa Burjikooyinka dad cuntada ku karsadaan, waxaana tallaabadan uu qaaday wiilkan dhallinyarada ah looga maarmi doonaa Burjikooyinkii loo doonan jiray dalka dibaddiisa.

Eng: Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maalintii uu farsameeyo ku dhowaad toddobo boqol oo xabo ( Burjiko ah), isagoo aan helin wax caawin ah.

” Soomaalida inta badan waxay u badan yihiin dad danyar ah oo aan awoodin in markasta oo ay ka soo halowdo in ay dib lacag ugu sameystaan, marka waxaan jeclahay in muddo ay u heyso,’.

Warshaddan cusub oo lago magacaabo (JIKO-SOM), waxay soo saartaa noocyada kala duwan ee jikooyinka cuntada lagu kariyo, waxaanna yaala dhammaan qalabka loogu talagalay in burjikooyinkaas lagu farsameeyo.

Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaan weydiinay Bulshada kalsoonida ay ku qabi karto tayo ahaan Burjikooyinkan uu gacantiisu ku sameeyo, ” Shacabkeenna mar walba waxay jecel yihiin waxyaabaha dalka laga soo saaro, ileyn waxyaabaha dalka laga soo saaro waxa sameynayo waa walaalkood, walaalkoodna boqolkiiba boqol wuxuu ka fiirinayaa xagga tayada,”.

Injineerka ayaa aad u adeegsado baraha Bulshada, halkaas oo uu ku soo gudbiyo howsha muhiimka ah ee uu bulshada u haayo.

” Ganacsigeyga Tiktok wuxuu ka beddelay waxyaabo badan, shalay cidba ima kaseyn,” ayuu yiri, isagoo aaladda uu adeegsanayo Bulshada ugu sheegayo tayada allaabaha uu soo saaro.

Burjikooyinkan uu sameeyay wiilkan dhallinyarada ah qiimahooda waa 16-dollar, balse si aan u ogaano kuwa iyaga la midka ah ee dalka dibbadiisa laga keennay qiimaha la iibiyo iyo farqiga u dhaxeeyo, waxayna warbaahinta qaranka booqatay suuqayada lagu iibiiyo Burjikooyinka dibadda laga keennay.

Xasan Cabdikariin oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa sharxaya qiimaha lagu iibiyo burjikooyinka laga keenno dalka bannaankiisa ee ay iibiyaan.

” Waxaan ka mid ahay ganacsatada magaalada Muqdisho in muddo ahna ku soo dhex jiray, haddii aan warbixin yar kaa siiyo jikooyinkan, ” Haddana kan oo kale ”JIKAAKO”, waddanka Kenya laga keennaa, waxaa jira jikooyin badan oo waddanka lagu sameeyo, kan oo kale, waxaa laga keennaa Kenya, waxay leedahay labo naqshad lacagtoodana waa 22-dollar,”.

Xilliyadii u dambdeeyay waxaa jiray dib u kabasho, iyadoo dalka ay ku soo kordhayeen ganacsiyo yar yar, kuwaas oo daboolay baahida dad badan oo Soomaaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post