402 Views

MD Xasan Shiikh oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya

MD Xasan Shiikh oo la kulmay Wakiilka QM ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 19, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay qaar kamid ah Safiirada Caalamka oo uu kamid yahay Wakiilka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay ee Muqdisho u fadhiya, Amb James Swan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa Madaxweynaha ugu hambalyeeyo Doorashada uu ku soo baxay, waxaana ay ka xog wareysteen sidii ay xoojin lahaayeen Wada shaqeynta ka dhaxeysa.

Sidoo kale, waxaa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda.

Dhinaca kale, waxaa Madaxweynaha kulamo uu maanta la yeeshay Safiirada Itoobiya, Sacuudiga, Uganda, iyaga oo dhammaantood hambalyeeyay Doorashada uu ku soo baxay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post