2550 Views

Soomaali Isku Rasaasaysay Xaflad Aroos Oo Lagu Xiray Maraykanka

Soomaali Isku Rasaasaysay Xaflad Aroos Oo Lagu Xiray Maraykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 17, 2018 – Rag Soomaali la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxaha Gangs-ka ayaa la sheegay inay dhawaan isku rasaaseeyeen Xaflad Aroos oo ka dhacday magaalla-madaxda Gobalka New Hampshire ee Concord.

Boliska ayaa sheegay in 4  Burcad Soomaali ah oo ka kala yimid Goballadda Ohio, Tennessee iyo  Pennsylvania  ay weerar ku qaadeen Xaflad Aroos o oay ku sugnaayeen in ka badan 300 oo qof oo Soomaali ah.

Boliska waxay kaloo sheegeen in Maleeshiyadda dagaalantay oo ka soo kala jeeda Labo Beel oo Soomaali ah ay ugu yaraan 2 ka mid ah wateen qoryo iyo inay u muuqdeen kuwo dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Kooxahaasi  isku isku weydaarsadeen rasaas, waxayna Boliska halkaasi ka heleen  2 rasha xabbadaha ee Bistooladda dhumucdeedu tahay 38 Kaliibaro.

Shaqaaqadaasi ayaa la sheegay in lagu soo xiray 4 Eedeysane, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay:-

Saalim Xuseen oo 22-jir ah,

Jacfar Khaalid Isaaq oo 19-jir ah

Cabsi Cusmaan Maxamed oo 18-jir ah

iyo Cali Daahir Xuseen oo 20-jir ah.

Dhinaca kale, Eedeysanayaashaasi oo la so otaagay Maxkamadda ayaa waxaa 2 ka mid ah lagu sii daayey Damiin Lacageed oo min 10-kun oo Dollar, halka 2-da kalena lagu sii daayey damiin lacageed oo min 750-Dollar ah.

somali-mn-xabad-3somali-mn-xabad-1

somali-mn-xabad-4 somali-mn-xabad-2

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment