987 Views

Madaxweynaha K/Galbeed oo ka hadlay howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose

Madaxweynaha K/Galbeed oo ka hadlay howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 12, 2020 –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladda Federaalka oo kashanaysa Dowlad Goboleedyada Dalka ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.

 

 

 

“Waxaan Amaan iyo Bogaadin Udireyaa Ciidanka Xooga Dalka Gaar ahaan kuwa Howlgalada kawada Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Guud ahaan Deegaanadda Koonfur Galbeed Guulaha Wax ku oolka ah ee ay ka gaareen Xureynta Deegaannada iyo Ciribtirka Argigixisada Waxaan Geesiyaasha Uhurey Naftooda ee ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka ugu Hambaliyeynaya Sanad Guurada 60aad ee kaso Wareegatay Aas aska Ciidanka.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed ee Naftooda ku waayey Difaaca Dalka Dadka iyo Diinta Waxaana ilaah uga Bariyey Kuwa udhaawacmay Difaaca Dalka inuu Caafimad Deg Deg ah Ilaah Siiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment