1044 Views

Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaand oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaand oo howlgal qorsheysan fuliyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | | August-02-2020-   Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 43aad oo ay wehlinayeen Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaannada Taabta, Cabdalla Biroole & Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen uu ahaa mid looga saarayay deegaannada ay gobolka Jubbada Hoose kaga sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,isla markaana ay guulo ka gaareen.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ee Aaga deegaanka Kulbiyow ayaa sheegay inay weerareen Fariisin ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku kala yaalla duleedyada deegaannada Kulbiyow iyo Cabda-biroole,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Dhinaca kale dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab waxaa uu ka dhacay degaanka Cabadalla-Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana Saraakiisha Ciidamada Jubaland ay sheegeen inay la wareegeen Goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku qabsadeen saanad Ciidan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan saldhigyada ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMIOSM ku leeyihiin halkaasi,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan inay iska difaacaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | ___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post