561 Views

Maraykanka oo xayiraad saaray shirkad Israa’iil laga leeyahay

Maraykanka oo xayiraad saaray shirkad Israa’iil laga leeyahay
____________________________________________________________________________


khamiis: November 4, 2021

Shirkad Israa’iil laga leeyahay oo samaysay barnaamijka basaasnimada ee muranka dhaliyay ee Pegasus ayaa lagu daray liiska madow ee shirkadaha uu ganacsiga ka xannibay Maraykanka.

Barnaamijka Pegasus ayaa la sheegay inay adeegsadeen dowladdo si ay u beegsadaan telefoonnada dadka u ololeeya xuquuqda iyo weriyayaal.

Maraykanka ayaa shirkadda NSO Group ku daray kuwa aan ganacsiga lala sameyn karin.

Shirkadda ayaa sheegtay inay la “yaabtay” go’aanka, iyadoo intaa raacisay in tiknoolajiyadeeda ay gacan ka geysatay amniga Maraykanka oo ay “ka hortagtay argagixisada iyo dembiyada.”

NSO Group ayaa ku doodday in barnaamijkeeda ay ka iibiso milateriga iyo laamaha ammaanka ee dowladaha uu wanaagsan yahay rikoorkooda xuquuqda aadanaha.

Hase yeeshee horraantii sanadkan waxaa lagu eedeeyay inay tiknoolajiyadeeda ka iibisay dowladdo xukun adag oo ku beegsaday dad aan waxba galabsan.

“Waxaan sugaynaa in aan soo bandhigno macluumaadka dhamaystiran ee ku aaddan sida aan uga taxadarno cidda aan ka iibinno barnaamijkeena iyo sida aan u ilaalinno xuquuqda aadanaha oo ku salaysan qiyamka Maraykanka aan la wadaagno. Waxaan joojinay heshiis aan la galnay hay’ado dowladeed oo si xun u adeegsaday qalabkeena,” ayaa lagu sheegay war ka soo baxay shirkadda NSO group.

Hase yeeshee saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in NSO Group iyo shirkad kale oo lagu magacaabo Candiru, isla Israa’iilna laga leeyahay ay “hareer mareen danaha amniga iyo siyaasadda dibedda ee Maraykanka”.

Waa tallaabo aan horay looga baran xukuumadda Maraykanka.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa leh xiriir dhaw, waxaana khubaradooda tiknoolajiyadda ay iska kaashadeen arrimo ay kamid yihiin xakameynta barnaamijka nukliyeerka Iran.

Balse barnaamijka basaasidda Pegasus ee ay samaysay isla markaana iibiso shirkadda NSO Group ayaa noqday hub ay adeegsadaan dowladaha xukunka adag ee ay kamid yihiin kuwa ku yaalla Bariga Dhexe, isla markaana ku beegsaday dad aan ahayn burcad iyo argagixiso toona.

Weriyayaal, qareenno, dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo xitaa xubno ka tirsan baarlamaanka UK ayaa loo dhacay telefoonnadooda iyadoo la adeegsanayo barnaamijka Pegasus, waxaana la akhristay farriimahooda, xogtooda iyo weliba waxaa qaarkooda la dhageystay waxa ay ku hadlayaan iyaga oo aan war u hayn.

Laba shirkadood oo laga kala leeyahay Ruushka iyo Singapore oo qeyb ka qaatay sameynta barnaamijka ayaa iyaguna lagu daray liiska madow.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in wax tallaabo ah aysan ka qaadi doonin dowladaha Israa’iil, Ruushka iyo Singapore oo dalalkooda laga leedahay shirkadaha xayiraadda la saaray.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post