624 Views

Hoggaankii dooxada Panjshir oo la la’yahay xilli Taalibaan ay “la wareegtay” Dooxada

Hoggaankii dooxada Panjshir oo la la’yahay xilli Taalibaan ay “la wareegtay” Dooxada
____________________________________________________________________________

.

Isniin: September 6, 2021

 Taalibaan ayaa sheegtay in dadkii gacanta ku hayay Dooxada Panjshir “la la’yahay xilligan”.

Afhayeenka Taalibaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada caasimadda ee Kabul ayaa sheegay in Afgaanistaan ​​ay tahay dalkooda, haddii ay doonaanna ay ku soo laaban karaan.

Wuxuu intaas ku daray in hubkii laga qabsaday Panjshir lagu dari doono kaydka hubka ee dalka Afghanistan.

Wuxuu isla shirkaas jaraa’id ku sheegay in dooxada “maanta gabi ahaanba la nadiifiyey oo Taalibaan ay si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta Dooxada Panjshir.”

Hasayeeshee dagaalyahannada wax-iska-caabbinta ayaa arrintaasi gaashaanka u daruuray.

Af -hayeenka oo wax laga weydiiyay dowladda cusub iyo sida ay u ekaan doonto ayaa wuxuu ku celceliyay ballanqaadyo ah inay noqon doonto dowlad “loo dhan yahay”, balse wuxuu sheegay inuusan weli bixin karin faahfaahin intaas ka badan.

Dowladda cusub ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo dhowaan, balse Zabihullah Mujahid ma uusan sheegin waqti rasmi ah.

Tan iyo markii ay la wareegeen, waxaa jiray su’aalo ku saabsan sida ay u egaan doonto xukuumadda cusub ee Taliban.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post