615 Views

Gabadhii aflagaadaysay Rasuulka (NNKH) oo dhibaato kale ay soo food saartay

Gabadhii aflagaadaysay Rasuulka (NNKH) oo dhibaato kale ay soo food saartay
____________________________________________________________________________

Sabti: June 11, 2022

Booliiska magalada Delhi ee dalka Hindiya ayaa diiwaan galiyay kiis dacwadeed oo ka dhan ah afhayeenkii hore ee xisbiga BJP Nupur Sharma kaasi oo xiriir la leh aflagaado la sheegay in ay u geysatay Nabi Muxamed (SCS).

Booliiska Delhi ayaa diiwaangeliyay kiiskan ka dhan ah dhowr qof oo ay ku jiraan xubnihii hore ee BJP Nupur Sharma iyo Naveen Jindal oo lagu eedeeyay inay faafinayeen hadalo nacayb ah.

Tallaabooyiinkii ay qaadeen xisbiga BJP iyo sida ay uga fal celiyeen , waxaa jira dareen caro iyo niyad jab ah oo ka dhex jira taageerayaasha iyo shaqaalaha xisbiga BJP.

Marka ay xaaladu halkasi mareyso su’aasha taagan ayaa waxay tahay sababta uu arrintan jahwareer uga dhex abuurtay gudaha xisbiga BJP ?

Ma jahwareer ayaa ka dhex jira xisbiga BJP?

Kadib guushii Narendra Modi ee 2014, BJP waxaa loo yaqaanaa xisbi hogaamiyayaashooda sare iyo shaqaalahooda hoose ay ku hadlaan hal cod.

Hoggaanka Modi ayaa waxaa uu horseeday in xisbiga BJP uu awood u yeeshay inuu dhiso oo uu salka u dhigo taageero weyn sideedii sano ee la soo dhaafay.

Saldhiggan taageerada awgeed, BJP waxay awooddeen inay ku guulaysato doorashooyinka guud ee 2014 iyo 2019 iyo doorashooyinka 2017 iyo 2022 iyagoo helay aqlabiyad aad u badan.

Dhammaan arrimahan oo dhan waxay ku suuragaleen Narendra Modi oo sawir wanaagsan ay ka haystan dadka hinduuska ah istiraatijiyadda Amit Shah ee doorashada, taageerayaasha baraha bulshada iyo isku-dubarid heerkiisu sareeyo oo ka dhexeeya shaqaalaha.

Balse isku duubnaantani waxay markii ugu horeysay u muuqataa mid sii wiiqmaysa, sababtuna waa in hal dhinac oo xisbiga BJP ka tirsan ay qaadeen tallaabo ka dhan ah afhayeenka xisbiga Nupur Sharma iyo Naveen Jindal.

Waxaa dhanka kale muuqata in taageerayaasha BJP ay ka soo horjeedaan go’aankan xisbiga uu ka qaatay xubnahani.

Nupur Sharma iyo Naveen Jindal ayaa waxa ay ka mid ahaayeen xubnaha firfircoon ee xisbiga rai’sul wasaare Narendra Modi ee BJP.

Saxafiyadda sare ee Radhika Ramasheshan, oo si wayn u fahansan siyaasada iyo qaabka uu u shaqeeyo xisbiga BJP, ayaa u aragta caqabad weyn oo hortaagan BJP.

Waxay tiri, “Marka ay xaalad sidan oo kale ah timaado, BJP waxay ku jirtaa laba daran mid dooro inay raacaan fikradda ama inay la socdaan maamulka. Sababtoo ah mar walba ma fududa in labadan shay la kala saaro.

Waxaan aragnaa in BJP aysan macnaheedu ahayn BJP oo keliya.

Xisbiga BJP waa qoys ballaaran waxaana ku jira ururo kale oo ay ka mid yihiin RSS, Vishwa Hindu Parishad, Bajrang Dal iyo Hindu Jagran Manch kuwaas oo ku xiran midba midka kale kuna saleysan fikrad isku mid ah.

Xaaladdan oo kale, marka ay timaado , BJP ma awoodaan in ay ka soocaan fikirada ay aaminsan yihiin. hadalka ka soo yeerey Nupur Sharma ma ahayn mid ku yimid si lama filaan ah.

Nupur Sharma waxaa horey uga soo yeeray hadalo muran badan ka dhex dhaliyay xisbiga iyo bulshada intaba.

Caqabadaha haysta xisbiga BJP

Shaqaalaha xisbiga ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa dhaleeceynaya go’aannada xisbiga ee ka dhanka ah Nupur Sharma.

Radhika Ramasheshan ayaa tiri, “Maalmihii ugu dambeeyay waxaan la hadlay shaqaalaha BJP iyo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah.

Waxay saraakiisha xisbiga ay muujiyeen in dowladdu ay ahayd in ay tallaabo ka qaado Nupur Sharma iyo Naveen Jindal ka dib cadaadis uga yimid dalalka Islaamka., balse Taas aad bay u dhibtay qaar ka mid xubnaha xisbiga.

Dadka qaar ayaa la sheegay in ay aqbali waayaan in cadaadis uga yimid dalalka islaamka awgeed xukuumadda Narendra Modi ay u qaadatay go’aankan ka dhan ah Nupur Sharma oo lagu eedeeyay in ay nabi Maxamed aflagaadeysay.

Waa tuma gabadha Hindida ah ee aflagaadaysay Rasuulka (NNKH)?

Hindiya ayaa waxay maalmimihii u dambeeyay ay wajahday cadaadis diblomaasiyadeed oo ka dhashay hadallo muran badan dhaliyay oo sarkaal sare oo xubin ka ah xisbiga maamulka dalkaasi haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ku aflagadeysay Nebi Muxamed (NNKH).

Nupur Sharma ayaa 10 maalmood ka hor gefkaasi ku kacday kaddib markii ay ka qaybgashay dood TV, arrintaasi oo ka careysiisay Muslimiinta Hindiya, iyo in ka badan 12 dowladood oo Muslim ah.

Axaddii, xisbiga BJP ayaa shaqada ka joojiyay Sharma. Waxaa kaloo isna shaqada laga joojiyay madaxa qaybta warbaahinta Delhi ee xisbiga, Naveen Kumar Jindal, kaddib markii uu dadka la wadaagay sawirka aflagaadada ah.

Xisbiga BJP ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu ka soo horjeedo fikir kasta oo aflagaadeynaya ama hoos u dhigaya koox ama diin, waxa uuna intaasi ku daray in aysan “taageerin dadkaas ama falsafadda ay aamminsan yihin”.

Diblomaasiyiinta Hindiya ayaa isku dayaya in ay ka dhaadhiciyaan waddamada Islaamka ee aad uga carooday gefka Nebiga (NNKH), waxay sheegeen in faallooyinka aysan ka tarjumayn mowqifka dowladda oo ay yihiin “aragtida xagjirka”

Dalalka Kuwait, Qadar iyo Iran ayaa Axaddii u yeeray safiirrada Hindiya si ay u muujiyaan caradooda ka dhanka ah arrintan. Sacuudiga ayaa sidoo kale cambaareeyay hadalkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post