1329 Views

Gudoomiye cusub oo loo Magacaabay degmada Shibis

Gudoomiye cusub oo loo Magacaabay degmada Shibis
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 1, 2020–Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Gudoomiye cusub u Magacaabay degmada Shibis.

Gudoomiyaha Shibis ayaa loo Magacaabay Cali Axmed Cabdulle ( Cali Soomaali).

Cali ayaa ah nin dhalinyaro ah oo aqoonyahan, islamarkaana ahaan jiray Wariye.

Degmada Shibis ayaa muddo bilooyin ah waxa ay aheyd maamul la’aan ka dib markii xilka laga qaaday gudoomiyihii hore.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xil ka qaadis ku sameeyey gudoomiyihii degmada Shibis  Cabdi Raxamaan Sayid Cali bishii April ee sanadkaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _____________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post