948 Views

Israel oo sarkaal usoo magacowday ciidanka badda Baxrayn

Israel oo sarkaal usoo magacowday ciidanka badda Baxrayn
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2022

Xukuumadda Baxrayn ayaa xaqiijisay in ay run yihiin warar warbaahintu tabinaysay oo ah in sarkaal ka tirsan milatariga Israel si rasmi ah oo joogto ah uga hawl geli doono boqortooyadaa Khaliijka ku taal, waxaanu sidaa ku noqonayaa sarkaalkii u horeeyey ee Israeli ah ee si rasmi ah uga shaqo gala dal Carbeed.

Wasaaradda arimaha dibadda Baxrayn, ayaa warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladdu Sabtidii ku sheegtay in sarkaalkaa Israeli-ga ah ee ka hawl gali doona dalku ay qayb ka tahay “iskaashiga caalamiga ah ee ujeedadiisu tahay ilaalinta nabadgelyada maraakiibta maraya biyaha gobolka”.

Arintan ayaa daba socota heshiiskii ay wada saxeexdeen Baxarayn, Israel iyo Imaaraadka oo Maraykanku ka shaqeeyey sannadkii 2020 oo ahaa in ay dalalkaasi yeeshaan xidhiidh diblomaasiyadeed.

Trump oo shaaciyey heshiis nabadeed oo ay gaadheen Israel iyo Baxrayn

Warbixinta ka soo baxday xukuumadda Baxrayn ayaa lagu sheegay in hawl gelinta sarkaalkaasi xidhiidh la ledahay shaqada isbahaysi caalami ah oo aan la magac dhebin oo ka kooban in ka badan 34 dawladood.

Waxaanay intaa ku dartay in sidoo kale muhiimadda isbahaysgiaas ay ka mid tahay ilaalinta marin biyoodka gobolka ku yaal iyo in la ilaaliyo ganacgsiga aduunka iyo in sidoo kala laga hortago budhcad-badeeda iyo argagixisada.

Warkan ayey hore warbaahintu u sii tebisay oo ay sheegtay in Israel sarkaan ka tirsan ciidamadeeda u diri doonto Baxrayn oo looga dhiibi doono xil rasmi ah.

Hase yeeshee, Baxrayn oo wararkaa ka jawaabaysa ayaa shegtay in “wararkaa warbaahinta shisheeyuhu tabisay eek u saabsan in sarkaal Israeli ahi dalkeeda ka hawl gali doonaa tahay arin qayb ka ah qorshaha isbahaysigaa caalamiga ah.”

Hadalkaa arintaa lagu shaaciyey wuxuu soo baxay iyada oo uu isa soo tarayo xidhiidhka milatari e u dhexeeya Israel iyo wadamada Khaliijka oo ah in ay wada jir uga qayb galeen ciidamada Baxrayn iyo Imaaraadku dhoola tus milatari oo ay ka qayb qaadanayeen milatariga Israel iyo maraykanku.

Wargeysyada Carbeed maxay ka qoreen go’aanka Falastiin ku diiday gudoomiyenimada Jaamacadda Carabta?

Amiir reer Qatar ah oo sheegay in uu Imaaraatka ku xidhanyahay

Baxrayn iyo Israel waxay cilaaqaad diblomaasiyadeed kala saxeexden sannadkii 2020, waxaana heshiiskaas oo uu Maraykanku ka shaqeeyey lagu saxeexay magaalo madaxda dalkaas ee Manaama.

Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin

Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948.

Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.

Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada, Baxrayn iyo saraakiisha Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo.

Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo “iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.”

Waddankee isu diyaarinaya inuu weeraro xarumaha nuclear-ka Iiraan?

Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin.

Kooxda Israa’iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 – iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn – waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xiriirka Israel.

Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xiriradan diblomaasiyaddadeed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sano jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoodeed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah .

Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay “Khiyaano”.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiin ay waxaa lagu sheegay “dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin “.

Israa’iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa’iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa’iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post