342 Views

Waddani iyo UCID oo soo dhaweeyey go’aanka guddiga doorashooyinka Somaliland

Waddani iyo UCID oo soo dhaweeyey go’aanka guddiga doorashooyinka Somaliland
____________________________________________________________________________

Axad: September 25, 2022

Go’aanka guddiga doorashooyinka Somaliland waxaa soo dhaweeyay labada xisbi mucaraad ee Waddani iyo UCID.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” oo BBC u warramay ayaa sheegay iney soo dhaweeynayaan go’aanka guddiga ee ah 9 bilood kaddib in doorashada la qabto go’aankaasina labada xisbi ee mucaaradka ay ka mideyssn yihiin.

“Guddoomiyaha Xisbiga UCID qudhiisa warsaxaafadeed buu sii daayey oo wuu soo dhaweynayaa isaga qudhiisu, isaga oo nala qaba in doorashadi 13-ka November dhici lahayd laakiin madaxweynuhu arrintaa geed hoose iyo geed saraba u koray si uu ubaajiyo doorashadaasi iney wajhtigeeda dhacdo. Isku mowqif baanu nahay iskumeel baanu ka wada taagannahay iminkana haddii la yiri doorashadi June baa la qabanayaa diyaar baanu u nahay” ayuu yiri Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” oo BBC u warramay.

Doorashadda Somaliland ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga talada haya.

Guddiga doorashooyinka ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa shaaciyay in aanu doorashada madaxweynaha qaban karin bisha November, uuna u baahan yahay 9 bilood oo ka billaabata bisha soo socota.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post