1083 Views

Maxkamad ku taalla Spain oo la soo taagay Nin u dhashay dalkaas oo lagu eedeeyey inuu dilay hooyadiis, meydkeeda jarjaray

Maxkamad ku taalla Spain oo  la soo taagay Nin u dhashay dalkaas oo lagu eedeeyey inuu dilay hooyadiis, meydkeeda jarjaray
____________________________________________________________________________

April 22-2021


Maxkamad ku taalla Spain ayaa la soo taagay Nin u dhashay dalkaas oo lagu eedeeyey inuu dilay hooyadiis, meydkeeda jarjaray, kaddibna cunay.

Alberto Sánchez Gómez ayaa la xiray 2019, kaddib markii booliiska ay tageen guriga hooyadiis oo 66 sano jir ahayd.

Ninkan oo markaas 26-sano jir ahaa, ayaa la sheegay in uu qirtay in uu ceejiyay hooyadiis wuxuuna sheegay in mararka qaar uu xubno ka tirsan meydkeeda cunayay mararka qaarna uu eyga siinayay.

Booliska waxay sheegeen inay arkeen xubno jirka bani’aadamka ah oo ku kala firirsan agagaarka guriga, qaarkood waxaa lagu riday weelal caag ah.

Wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu horey u qabay xanuun dhanka dhimirka ah, sidoo kalena uu daroogada aad u isticmaali jiray.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in booliiska uusan ku cusbeyn ninkan, laguna yaqaannay in uu tacaddiyo kula kici jiray hooyadiis, María Soledad Gómez. Markii la soo xirayay na wuxuu jebiyay sharciga xarigga loo jaray.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post