759 Views

“Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Al-Shabaab ah” Wasiirka Amniga Galmudug.

“Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Al-Shabaab ah” Wasiirka Amniga Galmudug.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka warceliyay eedeyn uu hay’adaha amniga Galmudug u jeediyay Taliyihii Booliiska Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Warsame.

Taliyaha ayaa eedeyntiisa salka ku heysay kadib markii uu sheegay in lagu gacan dhaafay dad uu soo qabtay 24-kii Maarso iyo 29-Kii April, caddeymihii uu hayayna laga soo qaaday waxba kama jiraan.

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceeb ku yiri “Habeenka xilliga uu mugdigiisu ugu badan yahay waa waqtiga ka horeeya waaberiga! Galmudug maalmahaan waxay ku jirtaa daqiiqadaha ka horeeya inta uusan waagu beryin”.

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Waxaa gabaabsi sii ah oo gebagebo ku dhow baaqigii ka haray waqtigii fowdada iyo kooxaysiga!, Lama arag askari ama sarkaal inkirsan maamulkii uu la shaqaynayey una yaqaan kuwo Alshabaab la shaqeeya, kaasoo isku ah; askari wax soo qabta, garsoore wax eedeeya iyo qaali xukun rida”.

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay sifaha laga doonayo Askariga iyo sarkaalka laga doonayo in uu ku dhaqaaqo.

“Sarkaalka ama askariga inta aan shaqo loo dirin ka hor waa In la soo baraa shuruucda ciidanka. Sharcigana looma qaloocin karo dhanka waxa aad aaminsanayd inta aadan askari noqon oo ah dadka kaa aragtida duwan oo dhan in aad ku dhejiso shaabad seeko ah oo alshabaabnimo, Ma dhacayso in ciidamanimada ama derajooyinka ciidanka loo adeegsado In lagu fushado dano ka baxsan kuwii la isku igmaday” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Dhamme Burhaan Axmed Taliyihii Booliiska Magaalada Dhuusamareeb ayaa kamid ahaa saraakiil dhalinyaro ah oo horay uga tirsanaa Maamulkii Ahlu Sunna, waxaana xilkaan loo Magacaabay horaantii sanadkaan 2020

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment