417 Views

Dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan oo uu ka dhex socdo dagaal qaraar

Dalalka Kyrgyzstan iyo Tajikistan oo uu ka dhex socdo dagaal qaraar
____________________________________________________________________________

Sabti: September 17, 2022

Ku dhawaad 30 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen tiro kalana ay ku dhaawacmeen iska horimaad ka dhacay xadka Kyrgyzstan iyo Tajikistan.

Dagaalada ayaa si joogta ah u dhex mara labada dal ee ka mid ahaan jiray Midowgii Soofiyeedka ee burburay, kuwaasoo xudduuddooda uu muran ka taagnaa tan iyo burburkii Midoowgii Soofiyeeti.

Iska horimaad cusub oo billowday horraantii toddobaadkan, ayaa sii socday Jimcihii, inkastoo labada waddan ay ku heshiiyeen xabbad-joojin. Labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeeyey inuu bilaabay rabshadaha, iyo jebinta heshiiska xabad joojinta.

Ilaa labaatan iyo afar qof, ayaa laga dilay Kyrgyzstan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi Jimcihii. Warar hore oo kasoo baxay dowladda Tajikistan, ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof iyana dhankooda laga dilay.

Ku dhawaad 20,000 oo qof, ayaa ka qaxay guryahoodii, si ay uga fogaadaan rabshadaha, sida ay sheegtay Hey’adda Laanqayrta Cas. Colaadda ayaa dib u soo cusboonaatay, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal kale oo ba’an uu dhexmaro labada dal.

Sanadkii 2021-kii, dagaal aan hore loo arag oo labadan dal dhexmarayayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof. Khilaafkan cusub ayaa soo shaac baxay Arbacadii, iyadoo ugu yaraan labo qof lagu dilay saddex dhacdo oo kala duwan.

Ciidamada Ilaalada xudduudaha Kyrgyzstan, ayaa ku eedeeyay Tajikistan inay fariisimo ka samaysatay qeyb kamid ah dhulka lagu mursanayhay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladaTajikistan ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in ilaalada dalka Kyrgyzstan ay rasaas ku fureen ciidamadooda, iyaga oo aan kolkii xabad ku ridin, ama dagaal ku qaadin.

Labadan dal ayaa wadaaga xuduud gaaraysa illaa 1,000-km, oo u dhiganta(600-mile), hase ahaatee dhulkan, ayaa in ka badan saddex meelood meel lagu muransan yahay lahaanshihiisa.

Ruushka oo xiriir dhow la leh labadan dal, ayaa soo soo jeediyey fikrad uu ku dhexdhexaadinayo, wuxuuna Ruushkadalbadey in si deg deg ah lagu joojiyo rabshadaha.

Xabbad joojintu ayaa waxay dhaqangashay 04:00 galabnimo wakhtiga maxalliga ah, laakiin Kyrgyzstan ayaa waxay sheegtay in laba kamid ah tuulooyinka ku yaalla dalkeeda la duqeeyay.

Dhanka kale, dowladda Tajikistan, ayaa ku eedaysay ciidamada Kyrgyz-ka inay duqeeyeen fariisimo ciidamadooddu leeyihiin, iyo toddobo tuulo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post