1290 Views

Puntland oo faah faahisay sababta ay u xireen Xafiisyadii ay furteen Wasiirada DFS

Puntland oo faah faahisay sababta ay u xireen Xafiisyadii ay furteen Wasiirada DFS
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-20–2019 —Maamulka Puntland ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ka dambeeya inay xiraan Xafiisyo ay deegaannada Dhahar iyo Goldogob ka furteen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Wasiirada Xafiisyada la amray in laga xiro ee deegaannada puntland ka furtay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo sanadkii 2017 furtay iyo Wasiirka qorsheynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan oo Maalin ka hor furtay.

 

 

 

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan joojin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada Maamulka puntland.

 

Hayeeshee uu sheegay in Xafiisyada ay joojiyeen furitaankooda ay ahaayeen kuwa laga lahaa dano siyaasadeed,isla markaana marnaba aysan aqbaleyn arrimahaas iyo kuwo kale.

 

Si kastaba Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa war ay xalay soo saartay waxaa ay ku mamnuucday in xafiisyo ay ka furtaan deegaannada Maamulkaas urrurada iyo shaqsiyaadka dowladda federaalka Soomaaliya ka tirsan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment