639 Views

Al-Shabaab oo weeraray saldhigyada Ciidamada Kenya ee degaannada Taabta & Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose

Al-Shabaab oo  weeraray  saldhigyada Ciidamada Kenya ee degaannada Taabta & Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose
____________________________________________________________________________

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray ciidamada Kenya iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib amrkii Al-Shabaab ay weerareen saldhigyada Ciidamada Kenya ee degaannada Taabta & Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro kala duwan.

Al-Shabaab oo sheegtay weerarkaas ayaa sheegay inay xaly Saqdhii dhexe weerareen saldhigyada Ciidamada Kenya ee degaannada Taabta & Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana weeraradaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

xubna ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen degaannada Taabta & Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose uu jiro, isla markaana Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ay iska difaaceen.

Saraakiisha Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM weli kama hadlin weerarkaas & sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan inay khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamo ka tirsan Kenya, waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post