1083 Views

Daalibaan oo sheegay in ay jiidheen difaaca ciidamada Afghanistan oo ay qabsadeen Magaalooyin badan.

Daalibaan oo sheegay in ay  jiidheen  difaaca ciidamada Afghanistan oo ay qabsadeen Magaalooyin badan.
____________________________________________________________________________

Axad: August 1, 2021

Dagaallo qadhaadh ayaa ka socda magaalada koonfurta Afghanistan ku taal ee Lashkar Gah, halkaas oo miditiinta Daalibaan ay kolba ku soo rogaal celinayaan oo ay isku dayayaan in ay qabsadaan magaaladaas xarunta u ah gobolka Helmand.

Wararka halkaa ka imanaya ayaa tibaxaaya in diyaarado lagu duqeeyey fadhiisimada Daalibaan. Daalibaanku waxay sheegeen in ay galeen meelo ka mid ah Lashkar Gah oo ka mid ah xarumaha saddexda gobol ee ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan.

Boqolaal askar ah oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ayaa gaadhay magaalada Herat ee galbeedka dalkaas si ay dib ugu riixaan fallaagada. Dhamaan hawlihii duulimaadyada Kandahar ee koonfurta dalka ayaa la joojiyey ka dib markii mididiintu laba gantaal ku dhufteen dhabbaha diyaaraduhu ka duulaan ee madaarka magaaladaas.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post