741 Views

Dad ku dhintey mudaaharaadyo loogga soo horjeedo ciidanka afgambiyey xukuumadii Sudan

Dad ku dhintey mudaaharaadyo loogga soo horjeedo ciidanka afgambiyey xukuumadii Sudan
____________________________________________________________________________

Talaado: October 26, 2021

Toddobo qof ayaa ku dhintey mudaaharaad ka dhacey Sudan, kadib markii ay isku dhaceen ciidankii la wareegay awoodda dalkaasi.

Hoggaamiyaha afgambiga, General Cabdulfataax al-Burhan, ayaa kala direy dowladdii kumeel gaarka aheyd, isagoo ku dhawaaqey in dalkaasi la galiyey xaalad deg deg ah.

Ra’iisal wasaarihii Sudan, Cabdalla Xamduuk, iyo saraakiil sar sare oo ka tirsaneyd xukuumaddiisa, ayey ciidanku xireen.

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxey waddooyinka magaalada Khartuum, iyagoo muujiyey sida ay uga soo horjeedaan afgambiga ciidanka.

Dhawaan ayey aheyd markii uu dalka Sudan uu ka dhacey afgambi ciidan oo dhicsoobay, taasoo ku abuurtey walwal xubnaha rayidka ah ee ka tirsanaa xukuumadii shaley la afgambiyey.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post