921 Views

Dabley aan la aqoonsan oo dad shacab ah ku laysay dalka Burkina Faso

Dabley aan la aqoonsan oo dad shacab ah ku laysay dalka Burkina Faso
____________________________________________________________________________


Talaado: November 2, 2021

Dabley aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku sii jeeday suuq ku yaal waqooyiga Burkina Faso subaxnimadii hore ee Isniintii, halkaas oo ay ku dhinteen 10 qof, afar kalena waa la la’yahay, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Markoye ee gobolka Saaxil, sida ay wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegeen ilo ka tirsan wasaaradda amniga oo diiday in magacooda la shaaciyo.

Ugu yaraan shan sarkaal oo booliis ah ayaa Axaddii lagu dilay weerar la mid ah waqooyiga dalka waxaana sidoo kale lagu dilay 15 “argagixiso”  sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Burkina Faso ay u dabaal dageysay sanadguuradii 61-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamadeeda iyadoo xaflad diiradda lagu saarayay la dagaalanka argagixisada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post