402 Views

Liz Truss oo noqoneysa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK

Liz Truss oo noqoneysa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee UK
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 6, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda Britain Liz Truss, ayaa noqoneysaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalkaas kadib markii ay ku guuleystay doorashada xisbiga muxaafidka ah ee Conservative Party.

Liz Truss, waxay ku guuleysatay boqolkiiba 57 codadka xubnaha ka tirsan xisbiga, waxay ka adkaatay Rishi Sunak oo helay boqolkiiba 14.

Liz Truss, waxay Talaadada baddali doonta Ra’iisul Wasaare Boris Johnson gaar ahaan ay soo magaacwdo boqorodda Elizabeth.

Caqabadaha horyaalla Ra’iisul Wasaaraha cusub waxaa kamid ah waxkaqabashada arrimaha dhaqaalaha, waxay ballan qaaday inay la imaan doonto qorshe wax ku ool ah oo ku saabsan sidii ay ku dhimi laheyd canshuurta iyo waxkaqabashada xiisadda ka taagan arrimaha tamarta iyo sidii ay ku mideyn laheyd xubnaha ka tirsan xisbigeeda oo kala qeybsamay xilliggii xil ka qaadista lagu sameynayay Boris Johnson.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post